Madrasatu Cimraan online مـدرسـة عمـران اونلاين
  • BOGGA HORE
  • fadliga quraanka

fadliga quraanka

ASh-shadibiyah

sh mustafe

  1. You are here:  
  2. Home
  3. Uncategorised

fadliga quraanka

قال الله تعالى: ﴿ إِنَّ هَـٰذَا الْقُرْآنَ يَهْدِي لِلَّتِي هِيَ أَقْوَمُ وَيُبَشِّرُ الْمُؤْمِنِينَ الَّذِينَ يَعْمَلُونَ الصَّالِحَاتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْرًا كَبِيرًا ﴿٩﴾

Qur’aankanna wuxuu ku Hanuunin Dadka Arrinta u Toosan ugana Bishaarayn kuwa fala Wanaag inay Mudan Ajiri wayn.

 

 

 

وقال سبحانه : ﴿ وَنُنَزِّلُ مِنَ الْقُرْآنِ مَا هُوَ شِفَاءٌ وَرَحْمَةٌ لِّلْمُؤْمِنِينَ ۙ وَلَا يَزِيدُ الظَّالِمِينَ إِلَّا خَسَارًا ﴿٨٢﴾

Waxaana soo dajinaynaa Qur’aanka Isagoo caafimaad iyo Naxariis u ah Mu’miniinta, Dalimiintana uma siyaadiyo Waxaan Khasaare ahayn.

 

وقال سبحانه : ﴿ إِنَّ الَّذِينَ يَتْلُونَ كِتَابَ اللَّهِ وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَأَنفَقُوا مِمَّا رَزَقْنَاهُمْ سِرًّا وَعَلَانِيَةً يَرْجُونَ تِجَارَةً لَّن تَبُورَ ﴿٢٩﴾

 

Kuwa Akhriya Kitaabka Alle oo salaadda ooga oo wax ka nafaqeeya (ka bixiya) waxaan ku arsaaqnay qaarsoodi iyo 

caddaanba waxay rajayn tijaaro (ganacsi) aan baaraynin.

 

عن أبي أمامة رضي الله عنه قال‏:‏ سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول‏:‏ ‏"‏ اقرءوا القرآن فإنه يأتي يوم القيامة شفيعًا لأصحابه‏"‏ ‏(‏‏(‏رواه مسلم‏)‏‏)‏‏.

Abii umaamah (A.K.R) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulkii Alle (S.C.W.) oo leh: Darsa Quraanka (si joogta ah), maxaa yeelay wuxuu u ahaan doonaa shafeece iyo garab akhristayaashiisa Maalinta Qiyaamaha. (Muslim)

وعن النواس بن سمعان رضي الله عنه قال‏:‏ سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول‏:‏ ‏"‏يؤتى يوم القيامة بالقرآن وأهله الذين كانو يعملون به في الدنيا تقدمه سورة البقرة وآل عمران تحاجان عن صاحبهما ‏"‏ ‏(‏‏(‏رواه مسلم‏)‏‏)‏‏.‏

 

Nawwaas bin Samcaan (A.K.R) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo leh: Maalinta Qiyaamaha Qur’aanka sidoo kale waa lala keeni doonaa kii ku camal falay adduunyadan. Hortiisa isaga, oo Suuradaha Al-Baqrah iyo Aal-Cimraan baa hogaamin doona iyagoo u doodaaya dadkii akhrisan jirey suuradahan adduunkii. (Muslim)

 

وعن عثمان بن عفان رضي الله عنه قال‏:‏ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ‏:‏ ‏"‏خيركم من تعلم القرآن وعلمه‏"‏ ‏(‏‏(‏رواه البخاري‏)‏‏)‏‏.‏

Cuthmaan ibn Caffaan (A.K.R) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) Wuxuu yiri: Waxaa idiinku khayr badan kuwiinna bartay Qur’aanka oo barana dadka kale. (Bukhaari).

 

وعن عائشة رضي الله عنها قالت‏:‏ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ‏:‏ ‏"‏الذي يقرأ القرآن وهو ماهر به مع السفرة الكرام البررة، والذي يقرأ القرآن ويتتعتع فيه وهو عليه شاق له أجران‏"‏ ‏(‏‏(‏متفق عليه‏)‏‏)‏‏.‏

 

Caa’isha (A.K.R) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofkii akhriya Qur’aanka oo u akhriya si fiican wuxuu la meel joogaa malaa’igta wax qorta oo sharafta leh oo baarriyiinta ah, qofka ku akhriya Qur’aanka si jejebin ah oo uu dhibta ku yahay wuxuu yeelan doonaa laba ajar. (Bukhaari iyo Muslim)

 

Madrasatu cimraan Online

Madrasatu Cimraan Online waa madrasad online ah oo aad ka baran kartid quraanka kariimka iyo Aqriska iyo qoraalka luqada Carabiga iyo Duruus islaami ah Adkaar Axaadiis siirada nebiga, sidoo kale machad Cimraan online waxaan dhigan Kara Caruur iyo waaalidiinta intaba Aabo iyo Hooyo Baro Quraanka kariimka Caruurtaadan bar. Dugsiga waxaan ka dhigan kartaa meel walba oo dunida aad joogtaan earoupe ama USA.

Page 1 of 2

  • 1
  • 2

Nagala soo xiriir

Tel: :

Sh Xuseyn Cali

GUESTS

We have 25 guests and no members online

fadliga quraanka